Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo, ayaa galabta safar shaqo ugu ambo baxay waddanka Maraykanka.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno wasiirro dhwor ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo xubno kale ayaa ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Cigaal Magaalada Hargeysa.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in safarka Madaxweyne Muuse Biixi ee Mareykanka uu qaadan doono muddo maalmo ah, waxana uu halkaas ku yeelan doonaan kulamo kala duwan oo u qorshaysan.
Faah faahin intaas ka badan lagama bixin safarka Madaxweynaha Somaliland iyo wafdiga la socday ay u ugu ambabaxeen dalka Mareykanka, iyagoona halkaas kulamo kula qaadan doona Saraakiil iyi mas’uuliyiin Mareykan ah.