Madaxweynaha Puntland oo safarkii ugu horeeyay ku gaaray Garacad

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaan xeebeedka Garacad hoostaga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa kamid ahaa maalgashadayaal Ajanabi iyo Soomaali ah oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Ujeedka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni u gaaray deegaan xeebeedka Garacad ayaa waxaa tahay  sidii uu kormeer ugu soo sameyn lahaa dhismaha dekadda Cusub ee Garacad oo heerkii ugu horreeyay ee dhismaha marayo meel gaba-gabo ah.

Sidoo kale ina uu ku sugan yahay Madaxweyne Deni Garacad waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan  doona dadka deegaanka,isla markaana isaga ka xog-wareysan doona  xaalada guud deegaanka.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni Waa safarkii ugu horeeyay ee Maanta uu ku gaaray deegaan xeebeedka Garacad tan iyo markii loo doortay xilka Puntland.

Comments
Loading...