Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa xaqiijiyay inuu ka qeyb galayo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada uga furmaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa haatan ku sugan Magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalkaas, isagoo u jooga safar shaqo, waxaana la sheegay in Maanta berri uu kasoo ambabixi doono halkaas, kadib markii uu kulamo la qaatay Madaxda Jabuuti.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu dib ugu soo laaban doono Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, isla markaana uu kaga sii gudbi doono dhinaca Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Gaalkacyo ka baxay Ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Deni, iyagoona aaday Garoowe, maadaama halkaas uu maalinta berri uu tegayo Deni oo haatan ku sugan Jabuuti.
Qoraal xalay ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa dhamaan Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo kuwo dowladda Federaalka loogu baaqay inay ka qeyb galaan shirkaas, si loo dardar geliyo Arrimaha Doorashada dalka.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo qaar kamid ah Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, si ay uga qeyb galaan wejiga saddexaad ee shirka.