Madaxweyne Maamul Goboleed oo kusii jeeda Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku wajahan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Afhayeenka Madaxtooyada Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Waare uu Maanta u safrayo Caasimadda Galmudug, si uu uga qeyb galo Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Shirkaas ayaa lagu waday inuu dhaco sida uu qorshahu ahaa Maanta oo sabti ah, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid, kadib markii dhamaan madaxdii ka qeyb geli laheyd shirkaas aysan tegin Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkayo ayaa saacadaha soo socda gaari doona Magaalada Dhuusamareeb, si uu qeyb galo wejiga saddexaad ee Shirka wada-tashiga Madaxda.

Dhinaca kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa in wafduud kale ay garaaan Caasimadda Galmudug, isla markaana waxaa halkaas ka socda diyaar garoow ku aadan soo dhaweynta Madaxda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media