Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta ka hadlay Warbixin ku aadan Cod Telefoon la sheegay inay is-dhaafsadeen Danjiraha Qatar u jooga Somalia, Ambassador Xasan Bin Xamza Haashim iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar oo uu soo bandhigay Wargeyka The New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka.
Madaxweyne Saciid Deni oo ka qeyb galay Bandhigga Buugaagta Garoowe oo sanadkii 5-aad la qabtay ayaa waxaa uu sheegay in lagu kalsoonaan karo Warbixinta uu baahiyay Wargeyska The New York Times, taas oo ah in Danjiraha Qatar u jooga Soomaaliya iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka Qatar ay kaga wada hadleen Qarax Bishii May ee Sanadkan ka dhacay Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka dalbaday inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan Qoraal uu daabacay The New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka.
Hadalkan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa,iyadoo Wargeyka The New York Times uu baahiyay Warbixin ku aadan Cod Telefoon laga duubay Danjiraha Qatar u jooga Soomaaliya iyo Ganacsade aad ugu dhow Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-thani,kaasi oo ay ka wada hadleen Qarixii bishii May ee sannadkan ka dhacay Boosaaso,kaasi oo Mas’uuliyadiisa Sheegtay Ururka Daacish.