Shabakadda Wararka ee wadsam.com waxay maanta qortay inay Afganistan markii ugu horreyay ay Somalia u soo dhoofisay qalabka Daaweynta iyo wax-soo-saarka dhinaca Nadaafadda.
Madaxa Rugta Ganacsiga iyo Wershadaha ee Gobalka Heart ee Galbeedka dalkaasi, Xamiidullaahi Khadiim ayaa sheegay in 25 nooc oo qalabka Daawaynta oo ay Wershadda Asia Pharma loo diray dalka Somalia.
Waxa uu sheegay in Xamuulka Koowaad ka kooban yahay 3 Kontaynar ah oo midkiiba culayskiisu dhan yahay 30 Tan, oo ay ku jiraan 25 nooc oo qalabka Daaweynta ah.
Xamiidullaahi Khadiim waxa kale oo uu tillmaamay in qeyb ka mid ah Shixnadahaasi ay mar hore gaareen Somalia, halka labada kale la soo marsiin doono Turkiga.
4 Shirkadaha Qalabka Caafimaadka ayaa ka hawlgala Gobalka Heart ee dalka Afganistan, iyadoo 6 kalena la aqoonsaday.
Xigasho: wadsam.com