Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Isbedel ku sameeyay Taliyeyaasha Ciidanka Booliska Gobolada Nugaal, Bari iyo Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, sidoo kalena magacaabay Agaasime Ku-xigeenka PMPF-ta Puntland.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa G/sare Xuseen Cali Maxamed oo ahaa Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari loogu bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
Madaxweyne Deni ayaa G/sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo ahaa Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada u wajeejiyey Taliska Ciidanka Booliska, waxaana loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland ayaa Maxamuud Silaal Cumar u magacaabay Agaasime Ku-xigeenka PMPF-ta dowlad Goboleedka Puntland, isagoo bedelaya Mas’uuliyiin ka horeeyay.