Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la yeeshay safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Ambassador Staffan Tillander.
Kulanka labada mas’uul ayaa qaatay saacado waxaana looga hadlay waxyaabo dhowr ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo khilaafka ka dhextaagan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Siciid Cabulaahi Deni.
Waxaana diiradda lagu saaray kulanka arrimaha Doorashada, caqabadaha hortaagan iyo sida ugu wanaagsan ee uu qabsoomi karo shirweynaha Doorashada .
Horay maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa walaac kaga muujiyay shirka loo madalsan yahay in uu muqdisho ka dhaco kaasi oo ilaa iyo hadda aan furmin khilaaf jira awgii, waxaana warsaxaafadeed ay soo saareen Puntland iyo Jubbaland ay dhaleecayn xooggan u jeediyeen Madaxweyne Farmaajo.