Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si rasmi ahaan u saxiixay Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda dalka oo ay Xildhibaanadda BFS horey u ansixiyeen bishii June 6-dii ee sannadkan.
Munaasabadda uu Madaxweynuhu ku saxiixay Sharigaas oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayuu ka sheegay inuu Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda uu udub dhexaad u yahay Sharciyada ugu muhiimsan ee ka jira dalka.
Guddoomiyaha BFS, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ka hadlay Munaasabadaasi ayaa ka hadlay Doodihii Adkaa ee ay Xildhibaanadda ka soo mareen Ansixinta Sharigaasi.
Waxa uu tilmaamay inuu Sharigaas ka mid yahay Shariyaddii ugu adkaa ee ay Mudanayaasha Barlamaanka ansxiyeen sannadkan
Dhinaca kale, munaasabadda uu Madaxweynuhu ku saxiixay Sharciga Xisbiyadda Siyaasada Dalka waxaa goob joog ka ahaa Egeyga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM UGU qaabbilsan dalka Somalia, Ambassador Michael Keating, Xubno ka socday Xisbiyadda Siyaasada dalka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Dowladda.
©Radio Dalsan