Madaxweynayaasha dalalka Somalia, Kenya, Jabuuti, Sudan, Uganda, Koonfurta Sudan iyo Ra’isul-wasaaraha Ethiopia ayaa la filayaa inay bishan September 10-da Shirweyne ku yeeshaan magaalladda Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Maalgashiga Somalia, Mudane Cabdisalaam Cumar Hadliye oo shalay Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa tilmaaay in Kulankaasi looga hadli doono Taageeradda IGAD ee ku aadan Hormarka iyo Nabadda dalka.
Wasiirka waxa uu tilmaamay in arrin lagu farxo tahay inay Somalia marti geliso Shirweynaha Hoggaamiyayaasha Dowladaha IGAD, wuxuuna xusay in Kulan noocaasi ugu dambeysay in lagu qabto magaalladda Muqdisho muddo haatan laga joogo 30 sanno.
Sannadkii hore, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha ku bahoobay Urur-gobaleedka IGAD waxay kulan ku yeesheen magaalladda Muqdisho, kaasi oo ay ku iclaamiyeen Shir Madaxeedka IGAD ee la filayo inuu dhawaan ka furmo Muqdisho.
©Radio Dalsan