Madaxweynaha oo Cafis u Fidiyey 57 Maxbuus oo Ku Kala Xirnaa Xabsiyada Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 007 ee 29ka January, 2022, kuna saabsan Cafis gaar ah oo loo fidiyey maxaabiis ku xiran xabsiyada Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11-aad

Markuu tixgeliyey:  Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa cafis gaar ah loo fidiyey 57 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland kuwaas oo mutaystay in cafis loo sameeyo ka dib markii uu habdhaqankoodu wanaagsanaaday loona sameeyey dhaqan celin.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply