• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 7, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweynaha: ‘’Kowda Luulyo xornimada iyo midnimada ka sokow waxay inoo tahay maalintii dib u soo kabashada, dib isu hiloobidda iyo dib u soo celinta qaranka Soomaaliya’’

Dalsan Editor by Dalsan Editor
July 1, 2015
in Warar
Reading Time: 23 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 55-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada koonfureed iyo midowgii waqooyi iyo koonfuur ee dhaliyey Jamhuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuskan oo ka dhacdey Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dhalinyaro duruuf adag ku jirta ay ahaayeen kuwii suurageliyey in meel la isugu keeno Soomaalida, lana helo xornimo, sidaa darteedna loo baahan yahay Soomaalida waqtigan casriga ah nool inay ka qeyb qaataan dhismaha Soomaaliya cusub oo horumarsan.

“Ku dhowaad qarni ka hor ayay koox dhalinyaro ah oo geesiyaal ah, waxay isku xilqaameen inay shacabka ka dulqaadaan gumeysiga, wayna ku guuleysteen, iyagoo weliba waqti adag ku shaqeynayey. Inagoo taas ka tusaale qaadaneyna waxaan rabnaa inaan dhisno Soomaaliya ka horumarsan tii hore, ka xooggan, kuna dhaqmeysa nidaam dimoqraadi ah oo shacabka oo dhan raali uu ka yahay’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa madaxweynaha uu sidoo kale sheegay in 55-kii sanno ee Soomaaliya ay xornimada haysatey ay jireen caqabado qalqal geliyey dowladnimada iyo midnimada, haatanna loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo dhismaha mustaqbal siyaasadeed oo bulshada oo dhan ay qeyb ka tahay.

“Waxaan dhiirigelinayaa dib u heshiisiinta iyo nabad ku wada noolaanshaha, taana waa siyaasadda ay ku dhisan tahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Waa inaan is xishmeynaa, is qaddarinaa, lagana fogaadaa ereyada xanafta leh ee dadkeena dib u xusuusinaya waayihii adkaa ee la soo marey. Aan adeegsano luuqad dadka isku keeneysa, dibna farxad iyo is-jaceyl uga dhex abuuri karta quluubta shacabka Soomaaliyeed’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in amniga uu yahay tiirka koowaad ee aasaaska u ah in Soomaaliya ay horumar gaarto, isagoo dhanka kalena hambalyo u direy dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhiiggooda , sharaftooda iyo waqtigooda u huraya difaaca dalka iyo dagaalka la doonayo in lagu ciribtiro kooxda nabad diidka ee Al Shabaab.

“Ilaahay ayaa mahad leh inaan si nabad ah halkan ugu xuseyno munaasabadda 1-da Luulyo. Dhalinyaro duruuf adag ku shaqeysa ayaa shaqadan wanaagsan ee amniga lagu sugayo qabtey. Kooxda nabad diidka marna ma oggola in sidan oo kale uu shacabku farxad u wadaago. Waxan halkan ku joognaa caawa waa rabitaanka Ilaahay iyo dadaalka ciidankeena. Marka shacabka waxan ka codsanayaa in tixgelin gaar ah ay siiyaan ciidammadeena hawshaasi adag haya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Mar uu ka hadlayey barnaamijka Hiigsiga 2016, ayaa Madaxweynaha waxaa uu sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay in dalka isbeddel uu ka dhaco, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo.

“Soomaaliya waxay haysaa dhabbadii ay dib ugu soo noqoneysey nolosha caadiga ee horumarka iyo dimoqraadiyadda. Maqaamkii aan ku lahayn beesha caalamka ayaa soo noqoneysa. Waxaa haatan meel fiican maraya hawlaha dhismaha maamullada iyo baahinta xukunka. Isbeddelada aan dooneyno inaan hirgelino si aan u dhisno qaran dhameystiran waxaa talo ku leh cid kasta oo Soomaaliyeed, beesha caalamka oo iyaguna mar kasta na garab taagan, talo ayaa uga furan nidaamka cusub ee aan dhisaneyno’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale shacabka ugu baaqey inay taageeraan dowladnimada iyo hoggaanka dalka, isagoo intaa ku darey in dowladnimada iyo nidaamka sharciga ah oo la dhowro ay yihiin waxa ugu dambeyn keeni kara in laga guuleysto kuwa diiddan horumarka iyo nabadda, gaar ahaan kooxda nabad-diidka ee Al Shabaab.

Madaxweynaya ayaa salaan sharaf ka qaatey cutubyo ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida, isagoo sidoo kalena horkacay calan saarka oo xaley saqdii dhex dhacdey.

Munaasabadda xuska sannad-guurada 55-aad ee xornimada dalka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte, xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]

IB0A0139

IB0A0107

IB0A0027

IB0A0103

IB0A0237

IB0A0231

IB0A0353

IB0A0292

IB0A0363

IB0A0290

IB0A0162

IB0A0392

IB0A0279

IB0A0509

IB0A0418

IB0A0329

IB0A0622

IB0A0623

IB0A0049

IB0A0042

IB0A0098

IB0A0689

IB0A0815

IB0A0784

IB0A0858

IB0A0871

IB0A0752

IB0A0531

IB0A0742

IB0A0589

 

Previous Post

Dhageyso:warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan ,01-07-2015

Next Post

Madaxweynaha oo xuska 1-da Luulyo awgeed ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon+Sawirro

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal
Warar

Soomaaliya iyo Koonfur Afrika oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

July 5, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Tababar u Xiray Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Gorgor

July 3, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sii Wada Gogosha Wadatashiga Qaran

July 3, 2025
Next Post

Madaxweynaha oo xuska 1-da Luulyo awgeed ubax dhigay taalada Daljirka Dahsoon+Sawirro

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

MOGADISHU – In a bold move to confront the growing risks posed by the misuse of social media in Somalia, the...

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

CAIRO – President Hassan Sheikh Mohamud of the Federal Republic of Somalia is set to depart for Cairo, Egypt's capital, where...

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

by Gesey Liban
July 5, 2025
0

Baydhabo, Somalia – In a strategic move aimed at transforming the quality of education in Southwest State, President Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

by Ilhaan
July 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u cambaareeyay qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo...

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
English News

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
English News

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
English News

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
  • HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
  • President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
  • Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00