Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa aalada Fogaan araga uga qeybgalay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo Maanta  si rasmi ah uga furmay Magaalada Muqdisho.
Lafta-gareen ayaa hadal jeedintiisa Madasha kaga hadlay Arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Siyaasada loo dhanyahay iyo hormarada Degmooyinka ay ku tilaabsadeen.
Amniga deegaanada Koonfur Galbeed ayuu sheegay Madaxweynaha in wax ay ka qabsoomeen, xusay in lagu guulaystay dib u xureynta Degmada Awdheegle, Sabiib, Caanoole, Janaale iyo Deegaano kale, wuxuuna kale uu sheegay in dhowaan Bilaabanayo Howlgalo dib loogu xureynayo Al-shabaab goobaha ay kaga harsan yihiin KGS.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda la bilaabi howlgalka furista Wadooyinka Degmooyinka Koonfur Galbeed iyo wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa hadlay Arimaha Doorashooyinka dalka, isagoo sheegay inay muhiim tahay hirgelinta heshiiskii 17 Sep 2020 lagu soo gaaray Muqdisho ee u dhaxeeyey Madaxda dowlada Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee la isku raacay Doorasho waqtigeeda ku qabsoonta
Ugu danbayn M Lafta-gareen ayaa ka Codsaday siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan Bulshada in laga wada shaqeeyo hormarka dalka, si aan dib loogu noqonin Cid waliba oo ka shaqaynaysa hormarka Dalka ayuu sheegay Madaxweynaha inuu Garab taaganyahay.