Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Guddiga COVID-19

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay kulan la qaatay Guddiga ka hortega Cudurka halista ah ee Coronavirus ee maamulkaas.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladda Cudurka ee dalka oo kiisas farabadan laga helay iyo sidii Guddiga COVID-19 ee u qaabilsan Hirshabeelle u sameeyn lahayeen wacyi-gelin joogta.

Xubno ka tirsan Guddiga ayaa kulanka ka sheegay in faafida Cudurka looga hortego dadaal la sameeyo ayna dadka qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo, isla markaaana si wadajir la isaga kaashado ka hortegiisa.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa tilmaamay in Cudurka uu yahay xaalad khatar oo aan la heyn daawo, isagoo Guddiga COVID-19 ee Hirshabeelle kula dardaarmay inay sidii wadaan dadaalada ka hortaga Caabuqa ee deegaanada maamulkaas,

Sidoo kale shacabka ayuu Madaxweyne Waare ugu baaqay inay qaatan tallooyinka Caafimaad oo ay jeedinayan dhaqaatiirta Caafimaadka, si looga hortego faafida Cudurka, maadaama dalka laga diiwaan-geliyay kiisaa farabadan.

Kulankii xalay ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa waxaa goobjoog ka ahaa inta badan xubnaha Guddiga Coronavirus iyo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media