Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Waare ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Guddoomiyaha Degmada Balcad iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulkiisa, waxaana Warsheekh kusoo dhaweeyay Maamulka Degmada, Xildhibaanada Golaha deegaanka iyo xubno kale.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Warsheekh waxaa uu kulan la qaadan doonaa Maamulka Degmadaas iyo Xildhibaanada Golaha deegaanka, isagoo ka xog-wareysan doona xaaladda deegaanka iyo Arrimo kale.
Sidoo kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa la filayaa in kulamo kale uu la qaato qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoona Madaxweynaha u gudbin doona baahiyaha ka jira Warsheekh ee loo baahan yahay in wax laga qabto.
Ammaanka guud ee Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta siwey loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ilaalada Waare iyo kuwa maamulka Warsheekh.