Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa oo ka yimid Dhuusamareeb ayaa gelinkii dambe ee galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo maanta lagu waday inuu furmo, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid, sababo la xiriira safarka Madaxda maamul Goboleedyada.

Shirka Madaxda ayaa looga hadli doonaa dardar-gelinta heshiiskii 27-kii May laga gaaray qabsoomida doorashooyinka dhacaya, waxaana shirka ka qeyb geli doona Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka iyo dadweyne kale, isagoo ka mahadceliyay soo dhaweynta.

Madaxda maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana ka maqan oo kaliya Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo safar shaqo ugu maqan dalka Turkiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor