Afhayeenka Daalibaa, Suhayl Shahiin ayaa sheegay inay ka fal-celin doonaan haddii ay Ciiddanka Maraykanka ku sii nagaadaan Afganistan marka la gaaro bisha September 11-da ee sanadkan.
Wareysi uu siiyey Telefishina Al Jaziira waxa  uu tilmaamay inuu Heshiiskii ay Maraykanka iyo Daalibaan ku gaareen caasimadda Qatar ee Doha bishii Feberaayo ee sanadkii hore uu dhigayey in Ciiddankaasi la daad-gureyn doono ugu dambeyn bisha September 11-da ee sanadkan 2021-ka.
Hadalka Afhayeenka ayaa u muqda inuu Jawaab-celin u ahaa hadal ay Saraakiil Maraykan ah ku sheegeen  inay 650 Askar Maraykan ah ku hari doonaan Afganistan, si ay u sugaan ammaanka Diplomaasiyiinta Maraykanka ku sugan gudaha dalkaasi.
Madaxweyne Joe Biden waxa uu horey u amray in Daad-gureynta Ciiddankaasi la soo dhamaystiri doono bisha soo socota ee July 4-da, halka ay dhamaan Ciiddanka kale oo ay ku Jiraan 7,000 oo ka socota Isbahasiga NATO ka bixi doonaa Afganistan bisha  September 11-da ee sanadkan.