• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, June 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweynaha Galmudug oo Qoraal u diray Safaaradda Maraykanka, isla markaana difaacay Jeneral Gaafow iyo Wasiir Mahad.

Dalsan Editor by Dalsan Editor
November 23, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed waxa uu qoraal jawaad celin ah u diray Safiirka Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen M. Schwartz oo uu kaga jawaabay qoraal ay Safaaradda bishan 18-dii si toos ah ugu dirtay Madaxweyne Guuleed.

Nuqul ka mid ah Qoraalka Madaxweynaha Galmudug oo ku taariikheysan bishan November 20-da ayuu ku sheegay inuu si khatar ah u qaatay Qoraalkii bishan 18-dii ka soo gaaray Xafiiska Safaaradda Maraykanka ee Somalia, oo ay ku soo bandhigtay qaladaadka iyo Eedeymaha laga keenay Nidaamka Doorashadda ee Galmudug.

Qoraalka Safaaradda Maraykanka ayaa lagu sheegay inay soo gaareen Warar Loo-qaateen ah oo lagu sheegay inuu Musuqmaasaq, Cabsi-gelin, Laaluush iyo Cod kala gadasho uu  hareeyey Doorashadda xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Maamulka  Galmudug uga mid noqonayo Barlamaanka Federalka ee soo socda.

Madaxweynaha Galmudug, waxa uu Qoraalkiisa Jawaab-celinta ku muujiyey inuu Ka Hoggaamiye ahaan uu isbuucii hore ku mashquulsanaa Xal-u-helista Dagaalkii Galkacyo iyo sidii loo kala qaadi lahaa Ciiddanka Galmudug iyo kuwa Puntland ee isku hor fadhiyey Galbeedka Gaalkacyo.

C/kariim Xuseen Guuleed waxa kale oo uu Qoraalkiisa ku xusay inaysan waxba ka jirin wararka ay Warbaahinta qoreen bishan November 14-dii oo ay ku sheegeen inuu Agaasimaha Hay’adda NISA, Jeneral C/llaahi Gaafow faragelin ku sameeyey Nidaamka Doorashadda  Galmudug iyo inuu u caga-jugleeyey Musharixiin iyo Oday Dhaqameed.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Guddi u saaray Arrintaasi, isla markaana ay Baaritaan kadib caddeeyeen inuu Jeneral Gaafow ku sugnayd Goobta Cod-bixinta Doorashadda, kuna lug lahayn Hawlaha Doorashadda.

Madaxweynaha Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed waxa kale oo uu Qoraalka uu u diray Danjiraha Maraykanka u jooga Somalia, Ambassador Stephen M. Schwartz ku soo hadal-qaaday Qoraalka ay Safaaradda ku sheegtay in Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Dowladda Fedelka, Mahad Maxamed Salaad soo doorteen Qaraabadiisa, Shaqaalihiisa iyo Ilaaladiisa, wuxuuna Madaxweyne Guuleed beeniyey arrintaasi.

Sidoo kale, Waxa uu Qoraalkiisa ku xusay inay isku keeneen Odayaasha Dhaqanka iyo Labada Ergo ee Beesha Cayr, isla markaana ay u midoobeen Doorashadda uu ku soo baxay Siyaasiga Mahad Maxamed Salaad.

Jawaab-celinta Madaxweyne Guuleed ayaa soo baxday, kadib, markii Qoraal ay Safaaradda Maraykanka ee Somalia bishan 18-dii u dirtay Madaxweynaha Galmudug   lagu soo hadal-qaaday in ay Safaaraddu fahamsan tahay in Musharax Mahad Salaad oo ah Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Xukuumadda Federalka uu bedelay Liiska Ergadda Sharcga ee Beesha Cayr, kuna bedeshay Liiska Qaraabadiisa, Shaqaalihiisa iyo  Ilaaladiisa, iyadoo Haweeneydii la tartami lahayd loo diiday Hoolka Doorashadda.

Qoraalka Safaaradda Maraykanka ee Somalia waxaa kaloo walaac looga muujisay Wararka la xiriira in Laaluush, Musuq iyo Awood-sheegasho loo adeegsaday Doorashada ka socota magaalladda Cadaado ee lagu soo dooranayo xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Galmudug uga mid noqon doona Barlamaanka soo socda.

Safaaradda Maraykanka waxay kaloo xustay inay hayaan Warar lagu kalsoonaan karo oo sheegayo in Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka  iyo Amniga Qaranka ee NISA, Jeneral C/laahi Gaafow Maxamuud uu Ciiddankiisa u daabulay Xarunta Doorashadda ee magaalladda Cadaado iyo goobaha loogu tala galay Ergooyinka, waa sida hadalka loo dhigay.

Safaaradda waxay qoraalkeeda ku xustay inay fahamsan yihiin  inuu Jeneral Gaafow baqdin gelin ku sameeyey Musharixiinta kale si ay uga laabtaan Musharaxnimadooda iyo inay Ciiddanka cabsi-geliyeen, lana xiro Nabadoon Xasan Madoobe iyo Musharax Maxamed Maxamuud Guure, waa sida lagu xusay Qoraalka ka soo baxay Safaaradda Maraykanka ay ku leeyahay Somalia.

Waxayna Safaaraddu tilmaamtay in Faragelinta Jeneral Gaafow ku sameeyey Doorashadda Galmudug uu ka macaashay Walaalkiisa, C/qaadir Gaafow Maxamuu, kaasi oo ku soo baxay xubnaha  Xildhibaanadda Galmudug ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka soo socda.

©Radio Dalsan

 

 

Previous Post

Boliska Uganda oo sheegtay inay qabteen Nin lala xiriirinayo Xarakadda Alshabaab oo ku sii jeeday dalka Koonfurta Afrika.

Next Post

(Dhageyso):- Warka Duhur Ee Radio Dalsan 01:00pm (23-11-2016).

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya
Warar

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

June 14, 2025
Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay
Warar

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

June 14, 2025
Weerar Gantaallo ah oo Iran Fulisay oo Sababay Dhaawaca Dad Badan gudaha Israa’iil
Warar

Weerar Gantaallo ah oo Iran Fulisay oo Sababay Dhaawaca Dad Badan gudaha Israa’iil

June 14, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia
Warar

13 Xubnood oo Al-Shabaab Ka Tirsanaa oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

June 12, 2025
Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)
Warar

Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Iska Casilaya Xubinnimada Maxkamadda Caddaaladda Adduunka (ICJ)

June 12, 2025
Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Wasiirka Caddaaladda Puntland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 11, 2025
Next Post

(Dhageyso):- Warka Duhur Ee Radio Dalsan 01:00pm (23-11-2016).

President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security

President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security

by Gesey Liban
June 14, 2025
0

President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, has formally transferred leadership of the National Intelligence and...

Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference

Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference

by Gesey Liban
June 14, 2025
0

A coordinated disinformation campaign aimed at undermining the Federal Government of Somalia has been exposed following a series of online...

Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges

Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges

by Gesey Liban
June 14, 2025
0

Mogadishu — The corridors of power in Mogadishu are shifting once again, as Mahad Maxamed Salaad is officially set to...

Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation

Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation

by Gesey Liban
June 14, 2025
0

Tehran — In a chilling revelation that could shift the delicate balance of power in the Middle East, Iranian state...

President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security
English News

President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference
English News

Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges
English News

Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation
English News

Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya
Warar

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay
Warar

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security
  • Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference
  • Mahad Salaad Returns: Somalia’s Spy Chief Reclaims Post Amid High-Stakes Security Challenges
  • Iran Claims Possession of Israel’s Nuclear Secrets After Major Intelligence Operation

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00