Boliska Uganda oo sheegtay inay qabteen Nin lala xiriirinayo Xarakadda Alshabaab oo ku sii jeeday dalka Koonfurta Afrika.

Telefishinka NTV ee dalka Uganda ayaa shaaciyey inay Ciiddanka Ammaanka iyo kuwa Socdaalka ee ka hawlgala Degmadda Busia ee u dhexeysa Xuduudka Uganda iyo Kenya ku qabteen Nin ay magaciisa ku sheegeen Mohamed Ali Abdi, kaasi oo ay ku tuhunsan yihiin inuu ka tirsan yahay Xarakadda Alshabaab, waa sida uu baahiyey Telefsihinkaasi.

Eedeysanaha ayaa la sheegay in shalay la qabtay kadib, markii magaciisa iyo sawirkiisa laga helay Kombiyuutarka Xafiiska Socdaalka ee Busia.

Taliyaha Boliska ee Degmadda Busia, Nelson Nahabwe ayaa u sheegay Telefishinka NTV in Eedeysanaha Mohamed Ali Abdi la qabtay xilli uu ka soo tallaabay Xuduudka Kenya, isagoo ku sii jeeday magaalladda Kampala, kadibna uu Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Entebe ugu sii dhoofi lahaa dalka Koonfurta Afrika, waa sida uu hadalka u yiri.

Nelson Nahabwe waxa uu intaasi ku daray in Eedeysanaha loo gudbiyey Xarunta Dhexe ee Ciiddanka La-dagaalanta Argagixisadda ku leeyihiin magaalladda Kampala.

Telefishinka NTV waxa kale oo uu sheegay in Mohamed Ali Abdi oo haysta Dhalashadda dalka Kenya uu magaciisa u kaydsanaa magaciisa Ciiddanka Ammaanka Uganda tan iyo bishii June 21-dii ee sannadkii 2014-kii.

Warar ayaa sheegayo inay Boliska Uganda ninkan ku xiriirinayaan Qaraxyaddii Mataanaha ee Kampala ka dhacay sannadkii 2010-kii, kuna geeriyoodeen in ka badan 70-qof.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor