Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan xasaasi ah waxaa uu la qaatay Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ah.
Madaxweynaha Galmudug ayaa kulan la qaatay Madaxda Xisbiyada Dalka, Waxaana kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu weyntahay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka 2020/2021 iyo Sidii loo dhammeytiri lahaa heshiiskii hannaanka doorashada ee lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb-3.
Waxaa kulanka qayb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, iyadoo Madaxda Xisbiyada ay ka mid ahaayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamamuud iyo Madax kale.