Dowladda Kenya ayaa amar ku bixisay in lasoo xiro Barasaabka Magaalada Gaarisa, iyadoo ay jiraan eedeymo loo soo jeediyay.
barasaabka Gaarisa Cali Bunow Qorane ayaa maxkamadi amartay in lasoo xiro isaga iyo afar ruux oo kale kuwaas oo ku lug-yeeshay Masuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne sida lagu soo eedeyay.
Amarka lagu soo xirayo ayaa waxaa bixiyay Agaasimaha waaxda dacwad oogista Kenya Noordin Haji, waxaana uu sheegay in si deg deg ah lagu soo qabto barasaabka iyo tuhmanayaal kale oo la sheegay in ay xatooyo ku keceen.
Lacag ka timid Bankiga Adduunka oo caddadeedu gaaraysay 235 milyan oo shillin ayaa si gaar ah loogu eedeyay in ay jeebka ku riteen Mas’uuliyiinta la amray in la soo xiro.