Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo xirayay shirkii wadatashiga ahaa ee Madaxweyne Farmaaj, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Qoorqoor oo xalay ku hadlaayay magaca Madaxweynyaasha maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa u mahadceliyay madaxda iyo wufuudii kasoo qeybgashay munaasabadda, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay inuu muujiyay tanaasul muddadii uu socday shirka wadatashi.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in muhiimad weyn ay leedahay in dalka Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho loo dhan ah yahay heshiisna lagu yahay, isla markaana waqtigeeda ku dhacdo, la iskuna tanaasulo.
Isaga oo sii hadlaayay Qoorqoor ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay soo dhaweyaan heshiiskii ay Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ka gaareen Doorashada 2020/2021.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sigaar ugu mahadceliyay shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.