Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay fiidkii hore weerar loo adeegsadag Bam nooca gacanta lagu tuuro uu ka dhacay halkaas.
Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in weerarka Bamka ahaa lagu qaaday goob maqaaxi ah oo ku taalla xaafadda Suuqa xoolaha ee Baladweyne, xili ay halkaas ku sugnaayeen dad shacab ah.
Inta la xaqiijiyay hal qof haweeney ah ayaa ku geeriyootay, halka saddex qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood la sheegay inay ahaayeen dad shacab ah oo fadhiyay maqaaxida Bam-Gacmeedka lagu weeraray.
Dadka dhaawacmay ayaa si Deg-deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, waxaana intaas kadib goobta uu weerarka ka dhacay tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada Baladweyne, iyagoo sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah kasoo bixin.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in goobta la weeraray ay meel aan sidaas uga fogeyn Saldhig ku leeyihiin Ciidanka AMISOM, ayna weerarka fuliyeen rag dhalinyaro, iyagoona durbo goobta ka baxsaday.
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa xiliyada habeenkii ah mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan iyo weeraro kala duwan, waxaana inta badan falalkaas sheegta Al-shabaab.