Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia oo codsaday Ciiddamo Nabad-ilaalin ah.

Madaxweyne Adaama Barrow waxa uu Isbahaysiga Dowladaha Galbeedka Afrika ee ECOWAS  ka codsaday in xilliga loo kordhiyo Ciiddankooda ku sugan dalkiisa.

Sarkaal sare oo ka tirsan QM ayaa dabayaaqadii sannadkii hore sheegay inuu Madaxweyne Barrow codsaday in ciiddamo tiradooda dhan tahay 7,000 oo Askari oo ka socda ECOWAS si ay taageero uga geystaan Sugidda Ammaanka.

Ciiddankaasi ayaa waxa uu xilli-hawleedkooda noqon doonaa muddo 6 bilood ah.

Madaxweynaha dalka Gambia waxa uu bishii hore la wareegay Talada dalkiisa, isagoo ku guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda ee dalkaasi ka dhacday Bishii December 1-dii ee sannadkii hore

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media