Dowladda Britain iyo Ururka Jaamacadda Carabta oo u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee DFS.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson ayaa sheegay inay Dowladiisa u hambalyeynayaan Madaxweynaha la-doortay ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxa uu sheegay inay Somalia samaysay Horumar weyn o oay kaga soo kabanayso Dagaalladii Sokeeye ee 20-ka sanno socday, wuxuuna xusay inay Madaxweyne Farmaajo soo wajahi doonaan Marxallado muhiim ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, Boris Johnson  waxa uu sheegay inuu danaynayo Kulan uu la qaato Madaxweynaha cusub Somalia iyo inuu kala shaqeeyo sidii loo wadaagi lahaa mudnaanta sidii loo yarayn lahaa Macluusha, xaqiijinta Ammaanka o oay ku jirto Dib-u-habayan lagu sameeyo Qeybta Ammaanka Somalia

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Axmed Abu Kheyd ayaa soo dhaweeyey Doorashadda Madaxweyne Farm,aajo.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray ayuu ku sheegay inay Dowladaha Jaamacadda Carabta sii wadi doonaan Taageeradda ay  la garab taagan Dowladda Federalka iyo Ummadda Soomaalida.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media