Falastiiniyiin lagu dilay duqeyn ay Diyaaradaha Yuhuudda geysteen.

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Qasa ayaa sheegay inay labadaasi qof ku geeriyoodeen duqeyn ay Yuhuudda la beegsadeen Hul ku yaalla meel ku dhow Xuduudka dalka Masar.

Waxa kale oo uu xusay inay 5 kale ku dhaawacantay duqeyn ay Yuhudda ka geysteen xuduudka Falastiin ee ku dhereran Xuduudka dalka Masar.

Afhayeenad u hadashay Ciiddanka Yuhuudda ayaa sheegtay inaysan ka war haynin duqeyntaasi oo la fuliyey Waaberigii hore ee saakayto.

Mar sii horreysay, Askarta Yuhuudda waxay sheegeen inay hawada ku burburiyeen dhowr Gantaal oo lala maaganaa Degmadda Eliyaat ee Koonfurta Yuhuudda, inkastoo Gantaal kalena ku habsaday  dhul bannaan.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media