Madaxii Ammaanka iyo Badbaadada Garoonka Aadan Cadde oo maanta lagu aasay Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa Qubuuraha Iskuul Buluusii ee Magaalada Muqdisho maanta lagu aasay Duuliye sare Cusmaan Aadan Ibraahim oo loo aqoon ogaa Kabtan Buraale kana mid ahaa Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed sidoo kalana ahaa Madaxa ammaanka iyo Badbaadada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xubno ka mid ah ehelkiisa iyo shaqaalaha garoonka ayaa ka qeybgalay aaska waxaana halkaas ka hadlay Wasiirka duulista oo marxuumka ku tilmaamay shaqsi waaya arag ah oo howl adag ka soo qabtay garoonka.

Wasiirka Duulista hawada Xukuumadda fedraalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in ay soo wada qabteen shaqo adag isla markaana uu kala shaqeyay sidii loo hormarin lahaa garoonka iyo bad qabka diyaaradaha ku soo dego.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media