Dowladaha Midowga Europe ayaa la rajeynayaa inay maalinta Isniinta garwaaqsadaan sidii ay u samayn lahaayeen Xarun Talis Dhexe oo Wadajir ah laga sameeyo magaalladda Brussels oo laga hago Hawlgalladda Tababaradda ee ay EU-da ka fuliyaan dalalka Somali, Mali iyo Afrikada Dhexe.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Ururka EU-da ayaa arrinkaasi kaga dhawaaqay magaalladda Brussels ee dalka Belgium.
Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee 29-ka Dowladood ee ka tirsan EU-da ayaa la filayaa inay maalinta Isniinta Kulan ku yeeshaan magaalladda Brussels, si ay uga arrinsadaan sidi iloo samayn lahaa waxa loogu yeeray Qorsheynta Milliteriga iyo Xoojinta Awoodaha.
Taiiska Dhexe ee Hawlgalladda Tababarada Milliteri ee ay EU-da ka wadaan dalalka Somalia, Mali iyo Afrikada dhexe ayaa la filayaa inay Hirgelintooda qaadan karto ilaa Gu’ga sannadkan.
Madaxda 28-ka Dowladood ee EU-da waxay muddo dheer ka doodayeen magaca loogu yeeri doono qofka qaban doono Xilka Taliskaasi, waxayna Madaxda doonayaan in loogu yeero Taliye ama Agaasimaha Xaruntaasi.
Hawlgalka EU-da ee Tababarka Milliteri ku siiyaan Ciiddanka Somalia ayaa noqday mid lagu tababaray Kumanaan Askari, kuwaasi oo haatan qeyb ah Ciiddanka Qaranka Somalia.
©Radio Dalsan