Wakiilo ka kala socday Midowga Europe, Afrika, QM, Dowladda Britain iyo Xarunta Afrika ee Dhismaha Xalinta Khilaafyadda ee ACCORD ayaa ballan qaadau inay taageeri doonaan Hawlgalka Afrika ee Nabadda iyo Ammanka Somalia si looga saaro Dagaalladda Sokeeye.
Bllan-qaadkaasi ayaa looga dhawaaqay Kulan ay Madaxda AMISOM iyo Hoggaaminta Deeq-bixiyayaasha ku yeesheen magaalladda Nairobi, kaasi oo lagu soo bandhigayu Taxanaha Dhaqdhaqaaqyadda iyo Miisaaniyadda Hawlgalkaasi ee Istaraatijiyadda ka bixitaankooda oo la rajeynayo qeybta dambe ee sannadka so osocda ee 2018-ka.
Wakiilka EU-da ee dalalka Afrika, Kareebiyanka iyo Baasifikada (EU-ACP, Albrecht Braun ayaa ku bogaadiyey Hawlgalka AMISOM kaalita muhiimka ee ay ka qaateen sidii Somalia looga saari lahaa tobanaanka sanno ee Colaadaha iyo Fawdada.
Albrecht Braun waxa uu intaasi ku daray in 10-kii sanadood ee la soo dhaafay ay siiyeen Hawlgalka AMISOM lacag dhan 1.3 Bilion oo EURO oo u dhiganta 1.6 Billion oo Dollar.
Waxa kale oo uu sheegay in lacag kale oo dhan 180 million oo Euro u qorsheyeen muddada u dhexeysa bilaha April iyo December ee sannadkan 2017-ka.
©Radio Dalsan