Maanta ayuu qorshuhu ahaa in ay Muqdisho soo gaaraan dhamaan Madaxda Maamul Goboleedyada si ay uga qeyb galaan shir ka furmaya Magaalada Muqdisho 28 Bishan oo Maalinta Berito ah ku beegan.
In kastoo weli waqtiga uu harsan yahay hadana inta badan madaxda maamul goboleedyada ayaa xili hore ka soo degi jiray Garoonka Aadan-Cadde xiliyada kulamada,waxana la sheegayaa in Shariif Xasan oo kaliya uu Muqdisho soo gaaray.
Maamulka Galmudug ayaa Maalin ka hor shaki geliyay imaansha Muqdisho, sababo la xiriira culeysyo Siyaasadeed oo ku furan.
Xogaha ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in Maalinta Berito ah ay hoggaamiyasha Maamulada imaan doonaan Muqdisho.
Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in ay macquul tahay in hadii uu imaan waayo Madaxweynaha Galmudug ay taasi keento in Madaxda kale ee Maamul Goboleedyada ay iyana baaqsadaan taas oo noqon karta culeys Siyaasadeed oo kale.