Saacadaha nasoo aadan ayaa la filayaa in Xarunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho ay kulan ku yeeshaan xubnaha Aqalka Sare iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ku sugan Muqdisho sida ay Dalsan u xaqiijiyeen Xubno ka tirsan Aqalka Sare.
Kulankaan ayaa waxa ay uga hadli doonaan xaalada dalka uu iminka ku jiro waxaana uu noqonayaa markii ugu horeysay oo ay kulmaan Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Inta uu kulanka socdo ayay labada dhinac kala warqaadan doonaan iyada oo ay iska wareysan doonaan xaalada Siyaasadeed ee haatan dalku marayo.
Waxaa haatan Xrunta Aqalka sare laga dareemaaya adkeynta ammaanka iyada oo lagu arkayo Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ammaankijinaya.