Wararka aan ka heleyno deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaafaddo ka tirsan deegaankaas lagu garaacay tirro Madaafiic ah, kuwaasi oo jugtooda halkaas laga maqlay.
Madaafiicda lagu garaacay deegaanka Janaale ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhaawacyo ah, waxaana la sheegay in Madaafiica halkaas ku garaaceen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ku sheegay in saddex ruux oo shacaba kana mid ah dadka deegaanka ay ku dhaawacmeen Madaafiicda ku dhacday Janaale.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay isbitaalka deegaanka, si loogu daaweyo xaaladooda Caafimaadka, isla markaana waxaa dadkaas la xusay inay Gurmad u sameeyeen Gudoomiyaha Janaale iyo Ciidanka Xooga dalka.
“3-qof oo shacab ah ku dhaawacmay hoobiyaal ay Al-shabaab Shabaab ku soo tureen Gudaha Deegaanka Janaaale, Gudoomiyaha Janaale iyo Ciidanka Xooga dalka ayaa u gurmaday shacabka kana soo saaray guryihii ay waxyeelada ku soo gaartay” ayaa lagu yiri Qoraalka Maamulka.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro toos ah iyo mid loo adeegsaday Madaafiic waxaa ay ku qaadeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo kal horey Ciidanka dowladda Federaalka ay kala wareegeen Al-shabaab oo in muddo ah ku sugnaa.