Dhageyso:-Al-Shabaab oo amar ku soo rogay Shacabka Baladweyne & Maamulka Hir-Shabeelle oo ka jawaabay

Wararka naga soo gaaraya Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab ay ammar ku soo rogeen Shacabka Magaaladaas,iyada oo arrintaasi ay amar kale ka soo saareen Maamulka G/Hiiraan ee Hir-Shabeelle.

Al-Shabaab ayaa Shacabka Baladweyne ku amray in aysan isticmaalin waxyaabo ay ka mid yihiin Bacaha lagu adeegto iyo Mobeelada gacanta lagu qaato nooca kaamiarda leh,sida ay sheegeen masuuliyiinta Maamulka Magalada Baladweyne.

Guddoomiyaha Magalada Baladweyne Maxamed Cusmaan Khalaafoow ayaa sheegay in si uusan u shaqeyn amarka Al-Shabaab ay iyana soo saareen amar ah in aan lala mutacaamilin iyo in amarka ka soo baxay Al-Shabaab dadku aysan qaadan.

Waxa uu sheegay in cid allaala cidii qaadata amarka Al-Shabaab ee ku dhaqanta ay Shabaab la mid tahay,isla markaana tallaabo Sharci ah ay ka qaadi doonaan ama meelaha Al-Shabaab joogaan ay u musaafurin doonaan dadkaas.

Marka laga soo tago ammarada  ka soo kala baxay Al-Shabaab iyo Maamulka Magalada Baladweyne ayaa Shacabka qaarkood oo aan la hadalnay ayaa wax ay sheegeen in haatan dhibaato weyn ay heysato,isla markaana amarkaas uu saameyn weyn ku yeeshay noloshooda.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Guddoomiyaha Magalada Baladweyne Maxamed Cusmaan Khalaafoow.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor