Ururka Milkiilayaasha Maraakiibta Ganacsiga ee Mujtamaca Europe (ECSA) oo ah Koox ka shaqeeysa Ammaanka Baddaha iyo Saraakiisha Hawlgalka Ciiddanka Badda ee EU-da ka wadaan Badda Somalia waxay kulan ku yeesheen Xarunta Dhexe ee Hawlgalka Atalanta oo ku taalla magaalladda Rota ee dalka Spain
Kulankaasi waxaa looga wada xaajooday Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia iyo xaalladda Ammaanka ee Xeebaha Somalia.
Ururka Milkiilayaasha Maraakiibta Ganacsiga ee Mujtamaca Europe (ECSA) waxay taageeradooda u muujiyeen Hawlgalka Atalanta iyo Iskaashiga dhow ee ay la leeyihiin Jilayaasha kale ee Caalamiga ee qeybta ka ah Hawlgalka La-dagaalanka Burcad-baddeeda iyo inay Wershadaha Maraakiibta sii wadi doonaan Iskaashiga Hawlgalka Atalanta ee lagu hubinayo in laga guuleysto Burcad-baddeedaasi.
Hawlgalka Atalanta oo la asaasay 10-sanno ka hor waxay hoos u dhigeen, kana hortageen falalkii burcad-baddeedka iyo dhaca hubeysan ee ka dhaca meelaha ka baxsan Xeebaha Somalia.
Waxay kaloo Maraakiibta Ciiddanka Badda ee EU-da badbaadiyeen, isla markaana gelbiyaan Maraakiibta shixnadaha u wada Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP iyo Hawlgalka AMISOM iyo inay ilaaleeyaan falalka Kalluumeysiga sharci-darradda ee lagu xaalufinayo Badda Somalia.