Macalinkii Xulka England Oo Shaqada Iskaga Tagay

Tababaraha kooxda England Roy Hodgson ayaa xalay iscasilay kaddib markii looga adkaaday 2-1, waxayna la ciyaareen Iceland.

England ayaa sidaasi uga baxday tartamada Euro 2016ka.

Macallinka oo 68-sano jir ah waxa uu xilka la wareegay afar sano ka hor, wuxuuna badalay Fabio Capello oo Taliyaaniga u dhashay.

Mudadii uu xilkaasi yahayna waxa uu guuleystay 11 ciyaarood oo kamid ah tartamada caalamiga ah.

Iceland – waa mid kamid ah kooxaha ugu hooseeya ee Yurub. Shacabkeedana waxaa lagu qiyaasaa 330,000.

Hodgson ayaa sheegay in la joogo xilli tababare cusub loo qoro xulka qaranka ee England.

Waa markii ugu horeysay Oo Xulka Iceland Ay Engaln Ka Reebaan Tartan Caalami Ah Waxaana Xalay Looga Badiyey 2-1.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor