Axmed Ismaaciil Xuseen oo loo yaqaano Xudeydi kuna Caan baxay heesaha Cuudka ayaa ku xanuunsanaya Isbitaal ku yaalla Magaalada London ee Caasimadda dalka Ingiriiska.
Warar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan Axmed xudeydi uu la xanuunsanayo Cudurka Coronavirus oo ku dhacay, isla markaana la dhigay Isbitaal ku yaalla London.
Axmed Xudeydi ayaa waxaa uu yahay rug-caddaa lagu qadariyo heesaha Cuudka ama kuwa kabanka oo muddo 72 sanno ku jiray, waxaana haleelay Cudurka halista ee COVID-19.
Sidoo kale Axmed Xudeydi ayaa qaaday heeso kala duwan, waxaana kamid ah heesta Uurkii Hooyo iyo kuwo kale oo aad u badan.
Si kastaba Dalka Ingiriiska ayaa waxaa Cudurka Coronavirus ugu geeriyooday dad badan oo Soomaali ah oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, halka kuw kalena oo Soomaali ah uu soo ritay Cudurka.