Wasiirka Warfaafinta dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa cambaayeeyay kufsi arxan darra ah oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wasiirka ayaa ficilkaasi ku tilmaamay in uu geystay Qof wax magarad ah oo aan damiir Soomaaliyeed lahayn.
“Waxaan si kulul u cambaaraynaynaa ficilka wuxuushnimada leh oo ka dhacay Degmada Afgooye oo lagula kacay Laba Gabdhood oo aad u da’yar, waa tacaddi iyo weerar oo loo geystay Magaca Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Ugaas Xasan Cabdi.
Sidoo kale wasiirka Warfaafinta ayaa Carrabka ku adkeeyay in laamaha amaanka ee Koonfur Galbeed ay ku raad joogaan Dadkii ka dambeeyay ficilkaas foosha xun ee lagu kufsaday Laba gabdhood oo walaala ah.
Ficilkaasi foosha xun waxaa horay u cambaareeyay guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo sheegay in ay dad u soo qabteen falkaasi, wasaaradda caafimaadka,iyo hay’ado u dooda xuquuqul insaanka.