Wasiirka Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Cabdi weli Maxamed Cabdi oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa ka warbixiyay Howlgalo uu Maamulka Degmada Jalalaqsi hoggaaminayo oo Al shabaab looga saaray Deegaanka Fiidow ee Gobalka Hiiraan.
“Waxaa Saaka Degmada jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan kasoo baxay Ciidammo ka tirsan Xoogga Dalka iyo Masuuliyiin ka socda Maamulka Degmada uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada waxaana la socday ciidammada AMISOM gaar ahaan kuwa Hiil-walaal, waxay howlgal kula wareegeen Deegaanka Fiidow, iyadoo aysan jirin wax iska hor imaad ah oo ay kala kulmeen cadowga”
Cabdi weli Maxamed ayaa sheegay in hada Xaalada Fiidow ay degan tahay iyadoo shacabka ay soo dhaweyn balaaran u sameeyeen Ciidammada Xoogga dalka iyo wafdiga la socda.
“Xaalada Deegaanka Fiidow hada way degan tahay, Shacabka ayaa soo dhawweyn balaaran u sameeyay Ciidammada iyo Masuuliyiinta la socota, Fiidow wuxuu ku yaalaa Wadada isku xirta Gobalada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, waxaana aaminsanahay inay muhiim u tahay Shacabka in deegaankaas cadowga laga saaro”.
Howlgalka wuu socdaa Ciidammadana dadaal xoog leh ayay wadaan, deegaanada gacanta lagu dhigo waxaa loo sameynayaa Maamul, ciidammo ayaa la geynayaa si Shacabka ay u helaan adeegyada Dowliga ay u baahan yihiin ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Hirshabeelle.