Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerarkii lagu dilay Allaha u naxaristee Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi “Cumar Carrabeyâ€.
Kooxo hubeysan ayaa weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ku qaaday Guddoomiye ku-xigeenka xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla Degmada Afgooye, iyadoona dhaawac ahaa loogu soo qaaday Magaalada Muqdisho.
Isbitaalka Digfeer ayuu ugu dambeyn Guddoomiye Cumar Carrabey ugu geeriyooday dhaawac Culus oo ka soo gaaray weerarkii lagu qaaday, waxaana sidaas xaqiijiyay Maamulka Shabeellaha Hoose.
Guddoominaya Gobolka Shabeellaha Hoose Ibaarim Aadan Najax oo la hadlay VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in uu dhintay Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada, isagoona tilmaamay inuu ahaa ruux aad u firfircoon, isla markaana kala qeyb qaatay howlgalo badan oo laga fuliyay Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale waxaa uu Guddoomiye Ibaarim Aadan Najax ku eedeeyay weerarkaas inay ka dambeeyeen xubno ka tirsan Al-shabaab, wuxuuna tacsi u diray Shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Degmada Afgooye ayaa Caawa howlgalo kala duwan ka wada gudaha degmdaas, kaasi oo ay ku raadinayan ragii ka dambeeyay dilka Guddoomiye Carabey.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkii lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada Shabeellaha Hoose, hayeeshee falalka noocan oo kale ayaa waxaa sheegta Al-shabaab.