Wasiir Cawad oo QM kala hadlay xaaladda Bani’aadannimo ee dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa shalay oo Talaado ahayd ku qaabilay Muqdisho Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahna Sarkaal sare oo Q.M isla markaana ah Iskuduwaha arrimaha bani’aadannimada ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane Adam Abdelmoula, oo dhowaantan Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres u magacaabay xilkaasi.

Wasiir Cawad ayaa soo dhoweeyay mas’uulka cusub ee Qaramada Midoobey, isagoo carabka ku adkeeyay ballanqaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya ay gashay oo ah in ay la shaqayso hey’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala dalka si loo maareeyo, waxna looga qabto dhammaan xaaladaha bani’aadannimo, siyaasadeed iyo nabadgelyo, isagoo tilmaamay in loo istaago sidii loo caawin lahaa dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media