War Goordhow soo gaaray Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in Goordhow weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed lagu dilay Guddoomiye ku-xigeenkii Arrimaha Bulshada Gobolka Shabeellaha Hoose.
Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday guriga uu Degmada Afgooye ka deganaa Guddoomiye Cumar Carabey, isagoona u geeriyooday dhaawac Culus uu ka soo gaaray weerarkaas.
Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa u sheegay in ragii weerarka soo qaaday goobta ay si deg deg ah uga baxsadeen, waxaana haatan goobta uu falka ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weli ma jiro wax war ah oo ka baxay maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay uga hadlayaan weerarka lagu dilay Guddoomiye Cumar Carabey oo ka tirsanaa Maamulkaas.