Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si isdaba joog ah uga shaqeynaya soo celinta bilicda caasimadda iyo furista waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kaddib roobabkii culus ee dhawaan da’ay, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo kaabayaasha magaalada.
Howlwadeennada Waaxyaha Howlaha Guud, Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda oo kaashanaya maamullada degmooyinka gobolka ayaa si guul leh uga shaqeeyay qaadista biyihii roobka ee ku fatahay waddooyinka, iyaga oo si degdeg ah u soo celiyay nadaafadda iyo bilicdii caasimadda, si loo sugo isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Waxaa sidoo kale si xawli ah u socda qorshayaal lagu dhameystirayo shaqooyinka haray ee la xiriira hagaajinta waddooyinka burburay iyo nadaafadda guud ee magaalada. Dib-u-dhiskaas ayaa lagu fulinayaa qorshe degdeg ah oo ka jawaabaya baahida shacabka ee adeegyada muhiimka ah.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa adkeeyay in dadaallada socda ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo kaabayaasha nololeed ee Caasimadda, si muwaadiniintu u helaan adeegyo tayo leh oo waafaqsan baahiyahooda maalinlaha ah.