Kadib markii ay Caawa baaqatay Ciyaartii final-ka tartanka kubbadda cagta degmooyinka G/Banaadir ee dhex mari lahayd degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynley ayaa waxaa arrintaas ka hadlay Maamulka Gobolka Banaadir.
War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka uu aad uga xun yahay dib u dhaca ku yimid Ciyaarta final-ka ee dhex mari lahayd Waaberi iyo Dharkeynley, kuwaasi oo siweyn isku soo diyaariyay.
Sidoo kale Warka kasoo baxay Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu xusay in Ciyaartaas la qaban doono waqti dhaw, isla markaana ay dib ka soo sheegi doonaan xiliga la qabanayo ayna la wadaagi doonaan Bulshada Soomaaliyeed.
“Waxay ahayd in ay caawa dhacdo ciyaarta kama dambeysta ah ee tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir sidaas darteed inaga oo ka xun dib u dhaca ku yimid cillad farsamo awgeed waxan la wadaageynaa bulshada Soomaaliyeed in waqti dhaw la qaban doono tartankaas,Waqtigaas oo aan dib ka soo sheegi doono”ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir
Kummaanaan daawadayaal ah oo isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa soo buux dhaafiyay Garoonka kubbada Cagta ee Eng. Yariisow Stadium Ex Koonis ee Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale dadweyne farabadan ayaa waxaa lagu arkayay Waddooyinka gala garoonka kubbadda cagta ee Eng Yariisow Stadium.