Waxaa Caawa lagu waday in Garoonka kubbada Cagta ee Eng. Yariisow Stadium Ex Koonis ay ka dhacdo Ciyaarta final-ka ee tartanka kubbadda Cagta degmooyinka Gobolka Banaadir, hayeeshee waxaa ay baaqatay.
Ciyaarta final-ka oo dhex mari lahayd degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynley ayaa dib loo dhigay arrimo farsamo awgood sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir.
Kahor inta aan lagu dhawaaqin inay Ciyaarta baaqatay ayaa waxaa muddo ku dhow 30 daqiido Garoonka ka tegtay Korontadii ku jirtay,
Kummaanaan daawadayaal ah oo isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa soo buux dhaafiyay Garoonka kubbada Cagta ee Eng. Yariisow Stadium Ex Koonis ee Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale dadweyne farabadan ayaa waxaa lagu arkayay Waddooyinka gala garoonka kubbadda cagta ee Eng Yariisow Stadium.