• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 7, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Maamulka G/Banaadir oo dhaliilay Shaqada Hormuud, xilli ay u dabaal-dageyso 20-sanno

Dalsan Editor by Dalsan Editor
October 19, 2022
in Warar, Wararka Idaacadda
Reading Time: 4 mins read
A A
Maamulka G/Banaadir oo dhaliilay Shaqada Hormuud, xilli ay u dabaal-dageyso 20-sanno
9
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare Cali) ayaa dhaliilo badan u jeediyey Shirkadda Isgaarsiinta Horumuud oo Maanta u dabaaldageysa sannadguuradii 20-aad ee dib udhalashadeeda.

Guddoomiye Cali Yare oo Qoraal kusoo qoray boggiisa Facecbook ayaa waxaa uu marka hore qoraalkiisa ku qiray in Shirkadda Horumuud tahay Shirkad lagu dhisay maskax, muruq iyo maal Soomaaliyeed, ayna tahay shirkadda ugu weyn ee dalka ka dhisan.

Guddoomiye Cali Yare ayaa ku dhaliilay Shirkadda inay aad uga cawdaan Ganacsatada danta yar, isla markaana sheegay inay kala wareegaan ganacsi kasta oo ay wax uun ka macaashi kareen, sida dhulalka, Qutuldaruuriga, malabka, Beeeraha, tagaasida, qalabka dhismaha, gaadiidka, Elektarooniga, Korontada, xataa caanaha iyo cadayga.

Wuxuu intaas kusii daray Guddoomiye ku-xigeenka amniga Maamulka Gobolka Banaadir in Shirkadda Hormuud aysan diyaar u aheyn kaalinta ay Shirkadaha caalamiga ah sida SAMSUNG & IPHONE ka qaataan amniga dalalkooda ka qaataan, waa sida uu yiri.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Guddoomiye Cali Yare.

HAMBALYO Shirkadda Horumuud oo maanta  udabbaaldageysa sannadguuradii 20-aad ee dib udhalashadeeda kuna beegan markii duruufo yimid darteed ay uga guurtay magacii hore ee Barakaat lana baxday magaca Horumuud.

Horumuud waa Shirkad lagu dhisay maskax, muruq iyo maal Soomaaliyeed, waana shirkadda ugu weyn ee dalka ka dhisan maanta oo shaqaaleeysiisay kumanaan kun oo Soomaaliyeed iyada oo bulshada ka dabooshay baahiyo badan kana soo gudbisay xaalad qalafsan.

Ma qarsoona in dhaliilo badan loo jeediyo sida Horumuud sida;

1- Ganacsatada Jeebka yar oo aad uga cabta awood sheegasho gabansi, iyaga oo kala wareegaya ganacsi kasta oo ay wax uun ka macaashi kareen, sida dhulalka, Qutuldaruuriga, malabka, Beeeraha, tagaasida, qalabka dhismaha, gaadiidka, Elektarooniga, Korontada, xataa caanaha iyo cadayga IWM taas oo loo arko in Shirkaddu  nimcada rabbi siiyay ugu itaal sheegatay bulsho danyar ah.

2- Amniga oo aan dacwo ka aheyn, laakiin aanay gaarsiisneyn diyaarna u aheyn kaalinta ay Shirkadaha caalamiga ah sida SAMSUNG & IPHONE ka qaataan amniga dalalkooda ka qaataan, iyaga oo isku difaaca  duruufo qaarkood looga garaabi karo sida xaaladaha dalka ku xeeran.

3- Kaalinta Haweenka oo aad ugu hooseeysa

4- In aanay dhexdhexaad ka aheyn kana madaxbanaaneeyn xarakaatka islaamiga ah ee fikradaha isku diidan sida (Wahhabism-ka iyo Suf.ism-ka) oo aan farriimahooda si siman loogu gudbin bulshada labadaas kooxood ka wada kooban ee macaamiisha Shirkadda ah.

Runtuse waxay tahay in Horumuud ay tahay Shirkad aynaan maanta heysan cid la barbardhigi karo maadaama ay yihiin dadka dadka ugu horreeya ee markii ay musiibooyin dalka ka dhacaan yabooha gurmadka ugu horreeya, sameeyay gaadiidka gurmadka degdegga ah, Jaamacad bilaash ah iyo in ay tahay Shirkadda kali ah dalkeenna ee sameysay Foundation saameyn weyn dalka ku leh oo fuliya waxyaabaha horumarka iyo Kheyriga ah.

Markale Hambalyo Horumuud, sannado badan oo guul iyo Horumar ah ayaan Alle idiin waydiineynaa innaguna abaal baan idiin heynaa waan idin garabjoognaa.

Previous Post

UNICEF oo sheegtay in Abaarta darteed ay Soomaaliya qarka u saaran tahay musiibo aan la arag

Next Post

Ciidanka Xoogga oo la wareegay Degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

July 7, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab
Warar

Wasiirka Gaashaandhigga oo Si Kulul u Dhaliilay Ganacsato Lagu Eedeeyay Taageerada Al-Shabaab

July 5, 2025
Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Warar

Dagaal Culus oo ka Socda Duleedka Moqokori ee Gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta
Caalamka

Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta

July 5, 2025
Next Post
Ciidanka Xoogga oo la wareegay Degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo la wareegay Degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta booqasho dhiirigelin iyo dhiirrigelin qaran ah ku tegay...

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Xaaladda degmada Moqokori iyo deegaannada hoos taga ayaa saaka aad u kacsan kadib dagaallo culus oo billowday waaberigii hore ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

by Ilhaan
July 7, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay kulan rasmi ah...

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

by Gesey Liban
July 6, 2025
0

MOGADISHU – In a bold move to confront the growing risks posed by the misuse of social media in Somalia, the...

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
Warar

Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira

July 7, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation
English News

Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions
English News

HIGH-STAKES DIPLOMACY: President Hassan Sheikh to Hold Critical Talks with Egyptian President Al-Sisi Amid Nile River Tensions

July 6, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia
English News

President Laftagareen Lays Foundation Stone for New Teacher Training Center in Southwest Somalia

July 5, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Madaxweynaha Jubaland oo Booqasho Dhiirigelin ah Ku Tegay Ciidamada Gurmadka iyo Danab
  • Xaaladda Degmada Moqokori oo Kacsan iyo Dagaallo Culus oo Ka Socda Gobolka Hiiraan
  • Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi magaalada Qaahira
  • Somalia Launches National Policy Dialogue on Tackling Social Media Misuse: Minister of Information Opens High-Level Consultation

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00