Ciidanka Xoogga oo la wareegay Degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku waramaya in Cidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegay degaanno dhowr ah oo ka tiran Gobolkaaasi.

Degaanada Cusub ee ay Saaka Ciidanku la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah degaanno muhiim u ah isku socodka guud ee Gobolka Shabeellaha dhexe, kuwaasi oo horay dagaalamaayasha AL-Shabaab ay in muddo ah u maamulayeen.

Wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in Ciidanku ay si buuxda ula wareegeen tuulooyinka Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey kuwaasi oo dhammaantood ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Jowhar iyo degmada Raageceele ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Deegaanadaan ayaa ahaa kuwa muhiim u ahaa AL-Shabaab, waxaana howlgalkaan uu qayb ka yahay howl;gallo Culus oo dhawaanahaan abaabulkisu ka socday Gobolka Shabeellaha dhexe.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor