Maamulka Degmada Kismaayo oo Digniin Culus diray

Maamulka Maaliyadda Degmada Kismaayo ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Digniin adeg u diray Kooxo oo dadka shacabka ah lagaco uga qaata warqado been abuur ah.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Kismaayo ee dhanka maaliyadda Rashiid Cabdi Mudulow oo warbaahinta ayaa waxaa ugu baaqay dadka shacabka kunool Magaalada Kismaayo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Jubbaland in aysan bixin lacagta Canshuurta Guryaha oo aysan ogeyn maamulka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Rashiid Cabdi Mudulow in maamulka Maaliyada Degmada Kismaayo laba bilood kahor uu joojiyay qaadista Canshuurta guryaha,isla markaana maalmihii dambe ay soo baxeen kooxo burcad ah oo iska dhigayo dowladda oo dadka lacago ka qaadanya,kadib markii ay sameeysteen warqado been abuur ah.

Ugu dambeyntii Guddoomiye ku-xigeenka maamulka degmada Kismaayo ee dhanka maaliyadda Rashiid Cabdi Mudulo ayaa waxaa uu tilmaamay in dadkii iyagoo shaatiga dowladda lacag uga qaaaya dadka shacabka ah tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media