Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa dalka Turkiga waxaa uu kula kulmay Hogaamiyaha Xisbiga Hilimo Qaran ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed oo halkaasi ku sugan.
Kulanka u dhexeeyay Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Sheekh Shariif oo ahaa mid is xog-wareeysi ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen arrimo kala duwan oo qeyb ka tahay arrimaha Siyaasada dowladda.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in uu Sheekh Shariif uga waramay horumarka dalka ka socda,isla markaana tilmaamay in ay sharaf u tahay la kulanka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
“Waxaa sharaf ii ah in aan la kulmo madax weynihii hore ee Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed. Waxaan uga warramay horumarka dalka ka socda”ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Magaalada Istaanbuul ee Dalka Turkiga ka furay shirka qurba-joogta Soomaaliyeed.