Madaxda Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ee ku Shiray Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay inay sameysanayaan Ciidamo gaar ah oo ka Shaqeeya dhinaca amniga.
Warmurtiyeedkii ka soo baxay Golaha Iskaashiga ayaa waxaa lagu sheegay in Goluhu uu sameysanayo ciidamu isku-dhaf ah oo ka qeyb qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab,kuwaas oo gaaraya Afar Kun oo Askari oo Maamulkiiba laga rabo Kun Askari.
Afarta Maamul goboleed ee Golaha Iskaashiga ku midoobay ayaa waxa ay sheegeen in midkiiba mudo laba bil Gudaheed ah laga rabo Kun Askari oo siwadajir ah loo tababaro,isla markaana ay yeeshaan al hoggaan.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa sheegay in Ciidamadaas ay u adeegsan doonaanka xureynta dalka ee Al-Shabaab,maadaama sida uu sheegay ay dowladda Federaalka ka gaabisay dagaalka Al-Shabaab.
Marka laga soo tago Ciidamada ay sheegeen inay dowlad goboleedyada sameysanayaan inay xusid mudan tahay in Maamulada qaar ay wajahaan doorashooyin maadaama waqtiga xilheyntooda uu dhamaaday isbedelna laga rajeynayo.