Waxaa la kordhiyey tirada Guddiga Dib u eegista iyo la socodka Dastuurka,waxaana markii ugu horeysay Xubno ku yeeshay lixda Maamul Goboleed ee xiligaan dalka ka jira.
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ayaa sheegay in markii ugu horeysay guddiga lagu daray lix xubnood oo ay iska soo xuleyn lixda maamul goboleed.
Waxa uu sheegay in markii lagu diray Lixda Xubnood uu Gudigu noqday 16 halka markii hore uu ahaa 10 Xubnood oo laga soo kala xulay xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
16 Xubnood ayaa siwadajir ah waxa ay uga Shaqeyn doonaan dib u eegista Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya si loo dhameystiro,waxana horay ay wadatashiyo uga soo sameeyeen degmooyinka dalka,iyaga oo la kulmay madaxda Dowladda,Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.